Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog cusub: Ma dhabaa in Cumar C/Rashiid uu baqdin aawgii u joojiyay safarkiisa Muqdisho (Halkee ayuu kusii jeeda?)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan ka xiganay mas’uuliyiin ka tirsan baarlamaanka Somalia waxaa dib u dhac ku imaaday Safar la sheegay in magaalada Muqdisho uu kusoo gaari lahaa Ex Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia Cumar C/rashiid Cali.

Xogta aan heleyno ayaa muujineysa in Cumar C/rashiid oo iminka ku sugan dalka Isutaga Imaaraadka Carabta uu baajiyay Safarkiisa Muqdisho, isla markaana la filaayo inuu ka degi doono magaalada Garoowe ama Bosaso.

Qorshaha Cumar C/rashiid ayaa ahaa in ilaa Khamiistii uu kusoo gaaro magaalada Muqdisho si uu usii guda galo Mooshinka iyo carqaladeynta Dowlada, balse wixii ka danbeeyay howlgalka lagu qaaday Hooyga C/raxmaan C/shakuur uu dib uga laabtay go’aankiisa Muqdisho.

Ilo ku dhow dhow Cumar C/rashiid oo ka tirsan Aqalka Sare ayaa inoo xaqiijiyay in isbedelkaan uu sabab u yahay baqdin xoogan oo soo wajahday maadaama mataankiisa CC Sharmaarke lagu dhaawacay Howlgalka.

Dowlada Somalia ayaa Xildhibaan Cumar C/rashiid u aaneyneysa inuu ka danbeeyay keenista dhaqaalaha la doonaayay in lagu dumiyo Qaranka, isla markaana lagu qabtay howlgalkii ka dhacay Hooyga CC Shakuur taa oo ka badneyd 18 Milyan.

Sidoo kale, Xildhibaan Cumar C/rashiid ayaa la sheegay inuu ku eedeysan yahay inuu lahaa fekerka isku xirka Xildhibaanada Mucaaradka iyo dowlada Imaaraadka carabta oo kawada siman mabda’a lagu carqaladeynaayo Qaranka.

Dhinaca kale, Dowlada Federaalka ayaa weli ku guda jirta baaritaanka kiiska Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta mucaaradka kaa oo la sheegay inuu cagaha la galay shaqsiyaad badan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Xog cusub: Ma dhabaa in Cumar C/Rashiid uu baqdin aawgii u joojiyay safarkiisa Muqdisho (Halkee ayuu kusii jeeda?) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this