Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo:-“Musuq maasuqa Mar Walbo Si Sahal ah Ayaa Dusha Nalooga Tuuraa”,

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa ka hadlay arimaha Musuq maasuqa iyo Hakadka la sheegay in Dowlada Mareykanka ay galineyso macaawinadii ay siineysay qaar ka mid ah ciidamada dowladda.

“Arimaha Musuq maasuqa mar walbo si sahal ah ayaa dusha nalooga tuuraa, oo wixii xumaado anagaa nala dulsaaraa, arintii u dambeysay ee la leeyahay qaar ciidamadeena ka mid ah in macaawinadii la siinayay in hakad la gelinaayo waxaan idin sheegayaa anaga inaan isku tashano anaga inaan wax qabsano, dadkan Ajnabiga ee na taageera way mahadsan yihiin, ciidan geesiyiin ah ayaad tihiin waad soo halganteen wax kasta oo nalaga sheego, waxa weeye dadka u taagan dalkaan difaaciisa oo u diyaar ah inay ka saaraan cadowga umadda dhibaya intaas inay ku joogsato lama rabo, waxaa la rabaa dadka na caawinaya in kalsooni la galiyo” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale balanqaaday hadii hakad la galiyo taageerada la siiyo ciidamada in dowlada Soomaaliya ay ku dadaaleyso in aysan saameyn ciidamada oo Mushaaraadkooda iyo wixii kale oo ay u baahan yihiin ay helaan.

“Waxaan cadeyneynaa  in hadii wax hakad ah la galiyo anaga dowlad ahaan waxaan ku dadaaleynaa in hakadkaas la galiyay Boqolkiiba Shan Boqol aysan qofna taaban, oo mushaar haday tahay iyo wixii kale oo agab ah oo looga baahan dowlada wixii karaankeeda ah inaan keeno taas oo aasaas u ah inaan isku tashano, hadii la yiraahdo ciidan ayaa halkaan ka baxaaya waa inaan walwalin oo aan isku tashano” ayuu yiri Mudane Farmaajo.

Dowladda Mareykanka ayaa dhawaan saadkii ka Jartay Cutubyo ka Tirsan Ciidamadda Xoogga dalka Soomaliyeed sababo la xiriira Musuq-maasuq iyo wax isdaba-marin.

PUNTLAND POST

The post Farmaajo:-“Musuq maasuqa Mar Walbo Si Sahal ah Ayaa Dusha Nalooga Tuuraa”, appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this