Sign in to follow this  
Deeq A.

Waddooyinka qaar ee magaalada Muqdisho oo xiran maalintii labaad & Ciidamo cusub oo lasoo tubay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maalintii labaad xiran inta badan waddooyinka waaweyn ee  magaalada Muqdisho oo qaarkood lagu soo daadiyay ciidamo cusub oo ka kala tirsan Booliska iyo NISA.

Ciidamada ayaa waddooyinka u diidaaya Gaadiidka waxa ayna ku wargalinayaan inay maraan waddooyinka qaar ee gala Xaafadaha magaalada.

Wadooyinka maalintii labaad ay xireen ciidamada ayaa waxaa ka mida wadada gasha Garoonka Diyaaradaha, Tarabuunka, Isgooyska Farolonsa  iyo qeybo kamid ah Xaafadda Taleex ee Degmada Hodan.

Ciidamadan ayaa gaadiid dhif ah weydiinaaya aqoonsi, waxa ayna tani kusoo beegmeysaa xili shalay ay Tarabuunka dhoobteen ciidamo ka tirsan Militeriga oo qaswday.

Ma cadda sababta rasmiga ah ee loo xiray waddooyinka magaalada Muqdisho, wallow ciidamada qaar ay sheegayaan in amarka xiritaanka uu yahay mid guud, isla markaana uu socon doono muddo 3 maalin ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Waddooyinka qaar ee magaalada Muqdisho oo xiran maalintii labaad & Ciidamo cusub oo lasoo tubay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this