Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo mar kale ku dhawaaqay dagaal & Taatikada duulaanka ka dhanka ah Shabaab oo la bedelay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka ugu baaqay inay la imaadan qorsho lagu wajahaayo duulaanka ka dhanka ah al-Shabaab.

Madaxweynaha waxa uu Saraakiisha faray inay u diyaar garoowan dagaal ka dhan ah maleeshiyaadka al-Shabaab, iyadoo la adeegsan doono qaabab ka duwan kuwii lagu duulaan tagi jiray.

Waxa uu Saraakiisha u sheegay in maslaxada dalka ay tahay mid ku jirta in weerar jihooyin badan leh lagu qaado dhammaan Saldhigyada ay Shabaabka ku leeyihiin Gobolka Shabellaha Hoose iyo Gobolada kale.

Wuxuu sheegay Shabaab mar walba in ay soo qaadan dagaal iyo weeraro, maalin walbana ay dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed, taas bedelkeeda ayuu sheegay in Ciidanka xoogga dalka markan wixii ka dambeeya ay noqdaan kuwo dagaalka qaada.

Farmaajo waxa uu tilmaamay in 8-da bilood ee Xukuumadda ay jirto in wax badan la qabtay, howlo kalena ay harsan yihiin, wuxuuna saraakiisha ka dalbaday in ay adkeeyaan shuruucda Ciidamada.

Weerarka ka dhanka ah al-Shabaab ayuu sheegay inay ku wehlin doonaan Saraakiil iyo ciidamo ka kala tirsan Mareykanka iyo AMISOM, si looga takhluusiyo rajada ay al-Shabaab ka qabto inay kusii nagaato Somalia.

Dhinaca kale, Farmaajo oo shalay booqasho ku tagay xarunta Wasaaradda Difaaca, ayaa hoosta ka xariiqay inay wax ka bedeli doonaan hawlgalada lagula dagaalamayo Shabaabka, oo sida uu qiray ay Shabaabku markastaba weerarada soo qaadaan, halka iyaguna ay difaac yihiin.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Farmaajo oo mar kale ku dhawaaqay dagaal & Taatikada duulaanka ka dhanka ah Shabaab oo la bedelay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this