Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Ammaanka: Mareykanka Oo Adeegsaday Veto Ku Saabsan Go’aankii Qudus

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda  Mareykanka ayaa adeegsatay codka Vitowga(“veto power” )  ee golaha ammaanka si meesha looga saaro mashruuc go’aameed ay soo gudbisay Masar oo lagu ridinayey go’aankii madaxweyne Donald Trump ee aqoonsiga Qudus ee caasimadda Israel.

Dowlado dhan 14 dowladood ayaa taageertay go’aankii ay soo gudbisay Masar,  kuna saabsanaa in dowladahaani aysan u rarin safaaradahooda magaalada Qudus. Balse dowladda Mareykanka waxay adeegsatay codka Vitowga waa ayna diiday.

Diblomaasiyadda Mareykanka u fadhisa qaramada midoobay Nikki Nimrata Haley  ayaa ku tilmaantay codeyntaan inay tahay mid ihaano ah.

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this