Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Maraykanka oo codka veto u adeegsatay qaraarkii Qudus.

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Maraykanka ayaa Codka qayaxan u adeegsatay qaraar ay Masar soo diyaarisay oo ku saabsan go’aanka madaxweyne Donald Trump ee magaalada Qudus,kaasoo la horkeenay Golaha Amniga Qaramada Midoobay.

Qaraarkan qabyo-qoraalka ah oo dhigaya in“waxba kama jiraan” laga soo qaado go’aankii maadxweyne Trump uu Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Israa’iil,ayaa waxaa taageeray 14-ka xubnood ee kale Golaha Amniga.

Xubnaha ayaa si wadajir ah u sheegay in xalka Israa’iil iyo Falastiin ku jiro wada-hadal,si loogu guulaysto in ay nabad ka dhalato labada dhinac,waxayna ku baaqeen in la ixtiraamo baaqyada caalamiga ah ku aaddan arrimaha Qudus,inkastoo aysan magacaabin madaxweyne Trump.

Laakiin safiirka dowladda Maraykanka ee Qaramada Midoobay,Nikki Haley ayaa weerar afka ah ku qaadday 14-ka xubnood ee kale Golaha Amniga,waxayna taageeradooda ku tilmaantay“bahdil lama illaawaan ah”.

Haley ayaa tiri”ma aqbalaynno in naloo yeeriyo halka aan safaaradda ka dhiganeyno”.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Maraykanka oo codka veto u adeegsatay qaraarkii Qudus. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this