Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa kaaga baxay Khudbadii uu Farmaajo u jeediyey Saraakiisha ciidamada Xoogga ee Somalia?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta saraakiisha hoggaamada kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka kula kulmay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ciidanka kala hadlay arrimo u badan dhiira galinta hawgalada la doonayo in guud ahaan dalka looga ciribtiro Al shabaab, waxana uu sheegay Madaxweynaha sababta uu maanta u tagay wasaaradda Gaashaandhiga inay tahay in la isku diyaariyo Hawgalo kusoo food leh dowlada, wada shaqeyn buuxdana la yeesho

“Runtii waxaan halkan maanta u imid oo qeyb ka ah inaan halkan u bato oo aan si joogto ah u wada shaqeyno si aan isugu diyaarino hawgalada nagu soo fooda leh waxaa soo socda Join Operation oo AMISOM SNA iyo qolada Mareykanka oo iyaguna gacan naga siiya dhinacyo badan aan wada gali doono hawgalo, Hawgaladaasi waxay keeni doonaan inaan isku badano maadaama ay tahay inaan is aragno anaga iyo qolooyinkan shacabkeena laynaya, maxaa yeelay iyagu mar walbo weerar ayay soo qaadaan dadkeena ayay laayaan” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa sheegay in Mudada Sideeda Bilood ah oo ay Xukuumadda dhisan tahay in la qabtay waxyaabo badan, isagoo sheegay in markasta ay dardaaran iyo wada hadal joogta ah la yeeshaan ciidanka si sharciga loo ilaaliyo

“Xukuumada waxay dhisan tahay sida loo ansixiyay waa sideed bilood iyo xoogaa, waxaan aaminsanahay in wax badan la qabtay wax badana ay inoo harsan yihiin, mar walbana aan dardaaran iyo wada hadal joogta aan idin heynay oo ay kow ka tahay in ciidanka dishibiliinkiisa la adkeeyo shuruucda la ilaaliyo, qof walba waa inuu ixtiraamaa kala dambeynta taas weeye waxa dowliga ah” ayuu yiri Madaweynaha.

Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hadlay arimaha Musuq maasuqa iyo Hakadka la sheegay in Dowlada Mareykanka ay galineyso macaawinadii ay siineysay qaar ka mid ah ciidamada

“Arimaha Musuq maasuqa mar walbo si sahal ah ayaa dusha nalooga tuuraa, oo wixii xumaado anagaa nala dulsaaraa, arintii u dambeysay ee la leeyahay qaar ciidamadeena ka mid ah in macaawinadii la siinayay in hakad la gelinaayo waxaan idin sheegayaa anaga inaan isku tashano anaga inaan wax qabsano, dadkan Ajnabiga ee na taageera way mahadsan yihiin, ciidan geesiyiin ah ayaad tihiin waad soo halganteen wax kasta oo nalaga sheego, waxa weeye dadka u taagan dalkaan difaaciisa oo u diyaar ah inay ka saaraan cadowga umadda dhibaya intaas inay ku joogsato lama rabo, waxaa la rabaa dadka na caawinaya in kalsooni la galiyo” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale balanqaaday hadii hakad la galiyo taageerada la siiyo ciidamada in dowlada Soomaaliya ay ku dadaaleyso in aysan saameyn ciidamada oo Mushaaraadkooda iyo wixii kale oo ay u baahan yihiin ay helaan.

“Waxaan cadeyneynaa  in hadii wax hakad ah la galiyo anaga dowlad ahaan waxaan ku dadaaleynaa in hakadkaas la galiyay Boqolkiiba Shan Boqol aysan qofna taaban, oo mushaar haday tahay iyo wixii kale oo agab ah oo looga baahan dowlada wixii karaankeeda ah inaan keeno taas oo aasaas u ah inaan isku tashano, hadii la yiraahdo ciidan ayaa halkaan ka baxaaya waa inaan walwalin oo aan isku tashano” ayuu yiri Mudane Farmaajo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhinaca kale sheegay in ay ciidamada ku sameeyeen Tirakoob sax ah, baarlamaankana ay u gudbiyeen Sharciga Xaqsiinta oo ay rajeynayaan inuu sida ugu dhaqsaha badan u ansixiyo.

“Waxaan sameynay tira koob sax ah oo ay wax inoo kala cad yihiin ciidanka shaqeeya, kuwa aan shaqeynin, kuwa hawlgabka u baahan, ciidanka dhaawaca ah iyo agoonta, waxaan gudbinay sharciga xaqsiinta oo aan dooneyno baarlamaanka sida ugu dhaqsiyaha badan inuu u ansixiyo si dad badan oo active u ah ciidanka ay u galaan dhanka xaqsiinta, oo mushaaradooda inta ay qaataan ay ku qaateen iyagoo hawlgal ah, kuwa dhaawaca sidaas oo kale, agoonta sdiaas oo kale oo aan kala naqaano ciidamada diyaarka ka ah oo hawgalada gali kara iyo kuwa dhaawaca ah oo aan la isku qasin, taas waxay inoo suurta galineysa imisa ciidan ayaan u baahanahay inaan tababar u dirno, dadka na caawinaya qaabkan maaha sida ay ku shaqeeyaan marka waa inaan is hagaajinaa iskuna tashanaa”

Ugu dambeyn Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa u sheegay saraakiisha hoggaamada kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka in waqtigiisa ugu badan uu ku bixinayo Ciidamada, dhaqaalaha ugu badan ay dowlada ku bixin doonto ciidanka iyo sidii dalka loo xureyn lahaa

“Aniga waqtigeyga inta ugu badan waxaan siinayaa ciidan, dhaqaalaha inta ugu badan waxaan siineynaa ciidan, dhanka dagaalka ilaa aan dalkaan ka xureyno oo aan kusoo dabaaleyno nabad”

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Maxaa kaaga baxay Khudbadii uu Farmaajo u jeediyey Saraakiisha ciidamada Xoogga ee Somalia? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this