Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Lacagtii Mareykanku ka gooyay Ciidamada Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha_Somalia.jpg?resize=827%2C48Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta booqday wasaaradda gaashaandhigga Somalia, halkaasoo uu kulan kula qaatay saraakiisha ciidamada xoogga dalka Somalia, isla markaana ka hadlay dhaqaalihii Mareykanku uu ka jaray ciidamada xoogga dalka Somalia.

Khudbad uu maanta ka jeediyay Wasaaradda Difaaca ayuu kaga jawaabay go’aanka Mareykanka uu ku hakiyay dhaqaalaha, wuxuuna caddeeyay inay Dowladda Somalia ku dadaalayso inaysan hakad-gelin hawlaha socda, isla markaana aysan arrintaas saameyn ku yeelan ciidamada xoogga dalka.

“Dowladu wax Alle iyo wixii awooddeeda ah waa inaan isugu keeno sidii aan kusii wadi lahayn hawlaheenna, haddii ay noqoto Mushaar ama Saadka,” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo intaas ku daray in Waqtigiisa inta badan uu siin doono ciidamada.

Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu sheegay in wixii hadda ka dambeeya uu u badan doono wasaaradda gaashaandhigga, isla markaana uu ciidamada kala tashan doono sidii looga qayb-qaadan lahaa dagaalka wadajirka ah ee lagula dagaalamayo Al-shabaab.

“Anigu wixii hadda ka dambeeya halkan ayaan u badnaan doonaa, waxaana ka tashan doonaa sidii aan u dar-dar-gelin lahan dagaalka nagu soo wajahan ee aan doonayno inaan la galno kooxda dhibaatada wada,” ayuu Farmaajo ku yiri hadalka uu u jeediyay saraakiisha.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa Talooyin kala duwan ka dhageysay qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada xoogga dalka, waxaana hadalkiisan uu ku soo beegmayaa xilli dhawaan Mareykanka uu sheegay in musuq-maasuq awgii uu u hakiyay dhaqaalihii uu siin jiray ciidamada xoogga dalka Somalia.

DAAWO; MUUQAALKA KHUDBADDII MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA EE MAANTA;

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxame…

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta saraakiisha hoggaamada kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka kula kulmay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga.

Posted by Villa Somalia on Monday, December 18, 2017

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Lacagtii Mareykanku ka gooyay Ciidamada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this