Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Jubbaland oo Kismaayo kula kulmay Madaxa Hay’adda UNHCR Flippo Grandi

Recommended Posts

Deeq A.   

Kulan_Kismaayo_UNCHR-1.jpg?resize=939%2CKismaayo (PP) ─ Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] oo uu dhinac fadhiyo Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan iyo xubno katirsan golaha Wasiirada ayaa maanta kulan la qaatay madaxa Hey’adda Qaxootiga Aduunka ee UNHCR Flippo Grandi oo uu wehelinayo Wakiilka Hey’ada ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey iyo Masuuliyiin kale.

Kulankan oo ah kii ugu horeeyay oo noociisa ah waxaa diirada lagu saaray warbixinadii ugu danbeeyay iyo xaalada ay ku sugan yihiin dadkii dhawaan kasoo laabtay xerada Qoxootiga Dhadhaab iyo sidii loo dardar galin lahaa soo celinta kuwa wali maqan.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in rajo wanaagsan uu ka qabo in hawlaha socda ay guulaystaan balse mar walba uu jiro walaac ay dadku ka qabaan waxa uu mustaqbalku noqonayo marka ay Soomaaliya dib ugu soo laabtan.

Dhamaan dhinacyada shaqadan wada ayuu ku booriyay in loo midoobo sidii looga dhabayn lahaa balamahii la qaaday ee la xiriira sidii dadka dib ugu soo noqonaya Soomaaliya loo garab istaagi lahaa.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in dhibaatada dhinaca amniga ah ay wax badan xadidayso oo laga yaabo in hadii dhulka la xorayn lahaa ay noloshu is furfuri lahayd.

Dowlada Soomaaliya iyo beesha Caalamka ayuu Madaxweynahu ugu baaqay in ay xooga saran dib u xoraynta dalka oo uu sheegay ka Jubbaland ahaan in ay diyaar u yihiin.

“Dadka soo noqonaya anagaa u baahan Aqoontooda waayo aragnimadooda iyo cududooda maadama ay inta ugu badan dhalinyaro yihiin “ ayuu yiri Madaxweynahu.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in haddii aan la helin jiho sax ah oo dadkaas loo hago ay macquul tahay in looga faa’iidaysto wadooyin kale oo khaldan taasna ay kawada shaqaynayaan DF Somalia ah sidii looga hortagi lahaa oo dhalinyarada mustaqbal wanaagsan loogu abuuri lahaa.

Kulan_Kismaayo_UNCHR-2.jpg?resize=811%2CKulan_Kismaayo_UNCHR-3.jpg?resize=816%2CKulan_Kismaayo_UNCHR-4.jpg?resize=813%2CKulan_Kismaayo_UNCHR-5.jpg?resize=807%2CKulan_Kismaayo_UNCHR-6.jpg?resize=819%2CKulan_Kismaayo_UNCHR-7.jpg?resize=830%2CKulan_Kismaayo_UNCHR-8.jpg?resize=823%2C

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Jubbaland oo Kismaayo kula kulmay Madaxa Hay’adda UNHCR Flippo Grandi appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this