Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidama  Habargidir ka tirsan oo la wareegay Isgoyska Tarabuunka iyo ciidamadii Xasilinta oo …

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda online) – Wararka  hadda naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inay ciidamo ka tirsan  Militariga isla markaasna ku abtirsado Beesha Habargidir ay la wareegeen gacan ku heynta Isgoyska Tarabuunka ee Magaalada Muqdisho.

Sida aan xogta ku helnay Ciidamadaan ayaa wato ilaa afar gaari oo kuwa dagaalka ah, waxaana lasoo sheegayaa inay Isgoyska Tarabuunka isaga carareen ciidamadii Xasilinta ee halkaas gawaarida ku baari jiray.

Lama soo sheegin wax xabad ah oo halkaas ka dhacday, balse waxaa la xaqiijiyey in Ciidamadaas oo gadoodsan ay la wareegeen Isgoyska Tarabuunka.

Wararka ayaa intaas ku darayo inay ciidamadaas ka xanaaqsan yihiin xarigii lagula kacay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo u dhashay Beeshaas.

Magaalada Muqdisho waxaa ilaa saaka ka socdo kulamo xasaasi ah oo u dhaxeyo Xildhibaanada iyo Odayaasha Beesha Habargidir, waxaana la filayaa inay kulamadaas caawa kusoo biiraan wasiiro ka tirsan dowladda oo beeshaas kasoo jeedo.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Ciidama  Habargidir ka tirsan oo la wareegay Isgoyska Tarabuunka iyo ciidamadii Xasilinta oo … appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this