Sign in to follow this  
Deeq A.

Breaking Ciidanka Madaxtooyada oo Loo qaybiyey Luis Dadka lasoo xirxirayo

Recommended Posts

Deeq A.   

BREAKINGNEWS.png
Warar rasmi ah oo Puntlandi heleen ayaa xaqiijinaya in Ciidanka Madaxtooyada Soomaaliya ay heleen Amar cad oo loo siiyey awood in ay soo qaataan nolol ama dhimisho Shaqsiyaad la aaminsan yahay iney mucaarad ku yihiin Xukuumada.

Macada cida amarkaan bixisay laakiin iyana Ciidanka NISA ayaa amarkaan oo kale Shalay lasiiyey, kuwasoo durba waday talaabo dhiig ku daatay oo lagusoo xiray Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dhowr jeer dhaliilay Siyaasada Xukuumada.

Xaalada Muqdisho ayaa ah maantamid aad u kacsan iyadoo qaybo badan oo kamid ah Xafiisyada Dowlada aan saaka loosoo shaqo trin.

Goobaha lagu Qaxweysto ayaa aad loo hadal hayaa amatada kasoo baxaya Madaxtooyada iyo hanjabaadyo ay saxaafada soo marinayaan Masuuliyiin Xukuumada ka tirsan, kuwasoo weeraro afka ah ku qaadaya mucaaradka Xukuumada.

Puntlandi
Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this