Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo ka hadlay Dadkii Soomaaliyeed ee lagu laayay Dalkiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Hailemariam-Desalegn-of-Ethiopia.jpg?resAddis Ababa (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn oo ka hadlay TV-ga Qaranka dalkiisa ayaa sheegay inuu ka tacsiyeynayo Dadka Soomaali ah oo lagu laayay xero boolis oo ku taalla gobolka Oromia ee dalka Itoobiya.

Inkastoo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya uusan sheegin tirada Soomaalida ah ee lagu laayay xeradaas, ayaa haddana wararku waxay sheegayaan inay kor u dhaafayaan illaa boqol qof, waxaana dilkan uu ka dhacay gobolka Jirro ee Ismaamulka Oromada Itoobiya.

“Anigu ma hayo tirada dhimatay, balse waxaa xaqiijinayaa in dhibaato aad u weyn ay ka dhacday halkaas,” ayuu hadalkiisa kusoo koobay Hailemariam oo dhacadan ku tilmaamay dil wadareed ka dhan ah shacab Soomaalida ah ee ku sugnaa goobatas.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa falka lagu dilay Soomaalidan ku tilmaamay dambi ay geysteen kooxo uu ugu yeeray dambiilayaal, wuxuuna ku daray hadalkiisa inaysan sharciga ka baxsan doonin.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa xaqiijiyay in guddi loo saaray Arrintan si ay u soo baaraan, kaddibna lagu qaadayo ciddii ay ku cadaato wuxuu sharciga ka qabo kuwa geysta fal-dambiyeed noocan oo kale ah.

Dhanka kale, Hailemariam Desalegn ayaa sheegay in dhawaan ay shaacin doonaan sida ay dhibaatadu u dhacday, In kastoo weli cabsi badani ay ka dhex-jirto labada Qowmiyadood ee Soomaalida iyo Oromada kuwada nool dalka Itoobiya.

Gobolkii ay dhibaatadu ka dhacday ayaa la geeyay ciidammo aad u badan; kuwaasoo la sheegay inay la tacaali doonaan hakinta rabshado kale oo ka dhaca Gobolka Oromada ee dalka Itoobiya.

Ugu dambeyn, Dawlad-deegaanka Soomaalida-Itoobiya, ayaa dhankooda ku eedeysay Ismaamulka Oromiya- Itoobiya dhimashada ugu yaraan 60-qof oo ay sheegeen in ay ahaayeen dad maxaabiis ah.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo ka hadlay Dadkii Soomaaliyeed ee lagu laayay Dalkiisa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this