Sign in to follow this  
Deeq A.

Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) oo burburay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ururka ay ku mideysan yihiin Warbaahinta Puntland (MAP) ayaa burburay, kadib markii uu lumiyay aqoonsigii Wasaaradda Warfaafinta Puntland.

Qoraal ay Wasaaradda Warfaafinta Puntland soo saartay 14-kii bishan December ayaal lagu sheegay in Ururka Warbaahinta Puntland ee MAP uu san ka haysan Wasaaradda wax aqoonsi ah maadaama ayaa la yiri uu ku guuldaraystay ururka in uu cusboonaysiiyo Ruqsadda sanadlaha ee ay bixiso Wasaaradda sida uu qabo xeerka warbaahinta Punland qodobkiisa todobaad farqadiisa 4-aad iyo 8-aad.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ururka MAP uu san qaban karin wax la xiriira hawlo warbahineed sida shirar, tabbaro iyo Wacyigelin, maadaama uusan sharciyad u haysan.

FB_IMG_151359614600181711.jpg?resize=713

Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) ayaa intii uu jiray ku guul dareystay in uu si dhameystiran u difaaco warfidiyeenka Puntland, sidoo kale ururka ayaa jabiyay xeerka Warbaahinta Puntland kadib markii Gudiga fulinta ay muddo Saddex sano ah yeelan wax Kal-fadhi ah iyadoo dhowr jeerna uu ka dhexdhacay isqab-qabsi.

Madaxda ururka MAP ayaa Suxufiyiintu ku eedeeyaan Xulufaysi kooxo, Cadaalad darro, Musuqmaasuq,  iyo iska horkeenida ururka iyo Warbaahinta Puntland isago adeegsanaya shaqsiyaad aan sumcad ku lahayn Puntland dhexdeeda.

PUNTLAND POST

The post Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) oo burburay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this