Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahin ku saabsan Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Gaari nuuciisa uu SURF yahay ayaa ku qarxay degmada Dharkeenley gaar ahaan Ajabka.

Sida ay Caasimadda u xaqiijiyeen dadka degaanka gaariga qarxay ayaa waxaa watay Sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska oo lagu magacaabo  Kulane Cabdi.

Gaariga ayaa Qarxay markii uu ka degtay Ninkii watay, waxaana la sheegay in aysan jirin Khasaare ka dhashay.

Qof ka mid ah dadka degaanka ayaa Idaacadda Risaala u sheegay in gaariga shidaal lagu shubi rabay, islamarkaana Sarkaalka uu ka degtay uuna aaday meel aan ka fogeyn.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa  gaaray goobta ay wax ka dhaceen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Faahfaahin ku saabsan Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this