Deeq A. Posted December 18, 2017 Muqdisho (Caasimadda Online) – Gaari nuuciisa uu SURF yahay ayaa ku qarxay degmada Dharkeenley gaar ahaan Ajabka. Sida ay Caasimadda u xaqiijiyeen dadka degaanka gaariga qarxay ayaa waxaa watay Sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska oo lagu magacaabo Kulane Cabdi. Gaariga ayaa Qarxay markii uu ka degtay Ninkii watay, waxaana la sheegay in aysan jirin Khasaare ka dhashay. Qof ka mid ah dadka degaanka ayaa Idaacadda Risaala u sheegay in gaariga shidaal lagu shubi rabay, islamarkaana Sarkaalka uu ka degtay uuna aaday meel aan ka fogeyn. Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta ay wax ka dhaceen. Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com The post Faahfaahin ku saabsan Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites