Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladnimadu m aha khalad khalad ku sax

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu horreyn waxaan ka tacsiyeynayaa dadkii soomaaliyeed ee xalay ku dhintay gacan kahadalkii dhexmaray dowladda iyo xubnaha mucaaradka, dhacdadaasi waxay ahayd mid aan farxad galin dadka u dhuun daloola siyaasadda soomaaliya ee usoo joogay hanaanka dheer ee kacaa kufka ah oo ay soo martay dowladnimada iyo dimuqraadiyadda curdinka ah ee aan maanta haysano.

Doodu ma aha in Abdirahman Abdishakur Khalad leeyahay iyo in kale laakiin hanaanka ay dowladnimadu u martay soo qabashadiisa oo ah mid dadka soomaaliyeed soo xasuusinaya dowladdii kaligii taliska ahayd waana dhaqan bilow u ah in dalka lagu hogaamiyo burbur iyo sharciga oo gacmaha lagu qaato.

Dowladdu Maxay Ku Khaldantay?

Sida dastuurka ku xusan qof walba oo muwaadin ah xuquuq ayuu leeyahay xaqna waa lagu leeyahay, xuquuqda uu muwaadinku leeyahay waxaa kamid ah in aan xorriyada laga qaadin iyada oo aan waaran maxkamadeed oo danbiga lagu haystaa ku cadyahay loo soo jarin.

Mucaaradnimadu ma aha danbi dastuurka ayaa u ogol qof walba oo muwaadin ah inuu noqon karo muxaafad ama mucaarad isagoo aan dastuurka jabinayn.

Dowladdu iyo in badan oo shacabka soomaaliyeed kamid ah waxay ku eedeynayaan siyaasi Abdirahman Abdishakur iyo qaar katirsan xildhibaanada golaha shacabka inay dalkan kusoo qaateen qanadaraas oo lacago laaluush ah oo dowlado kale usoo dhiibeen ay ku bixinayaan sidii dowladda loo dumin lahaa arrinkaasi waa tuhun dowladda waxa laga rabay inay baaritaan ku samayso kadib na marka ay caddaymo ku filan hesho ay uga dacweyso maxakamadda si loo soo xiro Abdirahman Abdishakur looguna qaado danbiga loo haysto marka uu ku cadaado, hadii uu waaranka maxkamadda u hogaansami waayo markaas ayay ahayd in marka u damaysa tallaabo milatary oo maxkamadu amartay la qaado.

Tallaabada ay dowladdu maanta qaadday waa bilow hadii ay sii socota waxaa iman doonta maalin qofkii BBC da dhagaysta ee Radio muqdisho dhagaysan waaya la xiro, waa tallaabo horseed u noqonaysaa dhamaadka dimuqraadiyadii yarayd ee aan naaxinaynay.

Qormadaan kuma difaacayo mucaaradka kumana mucaaradayo dowladda laakinn waxaan ku difaacayaa cid walbana ay tahay inay difaacdo waa dastuurka iyo xuquuqda asaasiga ah ee muwaadiniinta, sharciga ayaa ka sarreeya cid walba mana aha in hal dhinac gacanta ku qaato.

W/Q: Siyaasi Abdullahi Nur

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

The post Dowladnimadu m aha khalad khalad ku sax appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this