Sign in to follow this  
Deeq A.

Xeer ilaaliyaha Qaranka”waxaan baadi goobeynaa shaqsiyaad ku Howlan Duminta Qaranka”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xeer-ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya Axmed Cali Daahir oo ka mid ah mas’uuliyiin maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay ku raad joogaan shaqsiyaad uu sheegay in ay ku Howlan yihiin Duminta Dowladda Soomaaliya kuwaas oo isugu jira nuucyo kala duwan.

Xeer ilaaliyaha waxa uu sheegay in ay ku raad joogaan shaqsiyaad isugu jira siyaasiin iyo mas’uuliyiin Dowladda ka tirsan oo ku howlan Qiyaano qaran waxa uuna tilmaamay in la soo qaban doono shaqsiyaadkaasi dhawaana loo soo bandhigi doono Shacabka sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka Xeer ilaalinta ayaa daba jooga Howlgal ay xalay Ciidamada amaanka ka sameeyeen Guriga Siyaasiga mucaaradka ah ee C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Xeer ilaaliyaha Qaranka”waxaan baadi goobeynaa shaqsiyaad ku Howlan Duminta Qaranka” appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this