Sign in to follow this  
Deeq A.

(SAWIRRO) Shir ku saabsan dajinta qorshaha horumarinta degmada Garowe oo lagu qabtay Garowe.

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Puntlandi) Xarunta dowladda hoose ee Garowe ayaa maanta lagu qabtay shir ku saabsan dajinta baraanimjka qorshaha horumarinta degmada Garowe shanta sano ee soo socota, waxaana ka qeyb galay dadweyne lagasoo xulay xaafadaha iyo tuulooyinka.

Barnaanmijkaan oo ku bilaabanaya xog aruurin laga sameynayo xaafadaha Garowe iyo tuulooyinka hoos yimaada caasimadda, ayaa ujeedadiisu wuxuu yahay sidii loo diyaarin lahaa buuga horumarinta qorshaha shanta sano soo socota ee degmada Garowe.

Degmada Garowe oo kamid ah degmooyinka sida wacan uga faa’idaystay mashruuca JPLG, ayaa hadana mar labaad ku guulaystay mashruucaan shanta sano ee soo socota, waxaana dadweynaha fursad loo siiyay inay soo bandhigaan baahiyahooda horumarinta kaabayaasha.

Meelaha ugu badan ee caasimaddu ka faa’idaysatay mashruuca JPLG waxaa kamid ah, xaga wadooyinka, iyadoo Garowe ay noqotay magaalada ugu laamiyada badan Puntland.

Guddoomiyayaasha xaafadaha Garowe, ayaa soo dhoweeyay mashruucaan in mar labaad loo ansixiyay magaalada Garowe iyo degmooyin kale ee Puntland, waxayna cadeeyeen inay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan kooxaha sameynaya xog ururinta sameynaya.

Ku xigeenka duqa degmada Garowe, Cismaan Towxiid, ayaa kula dardaarmay guddoomiyayaasha xaafadaha inay wadatashi la sameeyaan laamaha xaafadaha islamarkaana ay xaafad kasta kasoo qoraan baahida dhabta ah ee ka jirta, si shanta sano ee soo socota wax looga qabto baahiyahaas.

Guddoomiye ku xigeenka wuxuu qiray in degmada Garowe tahay degmada sida ugu wanaagsan uga faa;idaysatay mashruucaan JPLG, oo ah mashruuc ay ku bahoobeen shan hay’addood oo katirsan Qaramada Midoobay.

Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Cali Nuur Jubba, ayaa sheegay qorshayaashaan inay qeyb ka yihiin dadaalada dowladda Puntland ugu jirto in la horumariyo degmooyinka Puntland, isagoo in dadweynaha fursad loo siiyay inay iyagu dajiyaan qorshaha horumarinta degmadooda.

IMG_0976.jpg IMG_0979.jpg IMG_0983.jpg IMG_0984.jpg IMG_0992.jpg IMG_0993.jpg IMG_0996.jpg IMG_0998.jpg IMG_0999.jpg IMG_1000.jpg IMG_1001.jpg IMG_0968.jpg IMG_0969.jpg IMG_0973.jpg

Puntlandi.com
.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this