Sign in to follow this  
Deeq A.

Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo sheegay in baaris ay ku hayaan siyaasiyiin & Masuuliyiin

Recommended Posts

Deeq A.   

20151210635853305933420628Xeer_ilaaliyah
Muqdisho (PP) ─
Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Dr. Axmed Cali Dahir oo wariyeyaasha la hadlay ayaa sheegay in dowladdu ay wado baaritaanka xubno siyaasiyiin iyo Mas’uuliyiin lagu eedeeyay inay khal khal gelinayeen Qaranimada iyo jiritaanka dowladda.

Dr. Daahir ayaa sheegay in ruuux walba uu ka sarreeyo sharciga, isagoo ka dhawaajiyay in Kiiska C/raxmaan C/shakuur la horgeyn doono Cadaaladda sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan ku celinayaa in loo hoggaansamo awaamiirta iyo shuruucda dalka u deggan, waxaa muhiim ah in laga feejignaado in hadda laga fogaado fal-dambiyeedyo hor leh iyadoo la isku deyayo in la qariyo faldambiyeedyadii hore, arrintaasi waan ka digayaa, dambi yaraan ma leh, cid walbo oo dambi gashana sharciga ayaan horgeyn donnaa” ayuu yiri xeer ilaaliyaha qaranka.

Sidoo kale, Xeer-ilaaliiyuhu wuxuu sheegay in baaris ku socoto siyaasiyiinta lagu tuhunsan yahay Fal-dambiyeedyada lagu qal-qal-gelinayo jiritaanka dowladnimada Soomaaliya.

“Waxaa socoto baaris si sharciga Waafqasana u socoto, sidaan go’aaminnay baaristaasi waxay khuseysaa xubno siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin isugu jira oo lagu tuhunsan yahay dambiyo qal-qal-geliyay jiritaanka dowladnimada, waxaan rabaa inaan mar Labaad ku celiyo qof kastaba waxaa ka sarreeya sharciga,  waana in loo hogaansamaa, iney socoto islamarkaana sida sharciga uu qabo cid walba baaristaasi wixii ka soo baxa lagu horgeyn doono cadaaladda,” ayuu yiri Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Ugu dambeyn, Xalay ayay ahayd markii ciidamada Dowladda ay Weerareen Guriga C/raxmaan C/shakuur Warsame, waxaana weerarkaas lagu dilay qaar ka mid ah ilaaladiisa, isla markaana lagu soo xiray.

PUNTLAND POST

The post Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo sheegay in baaris ay ku hayaan siyaasiyiin & Masuuliyiin appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this