Sign in to follow this  
Deeq A.

BREAKING NEWS:- Dowladda federalka oo sheegtay in maxkamad lasoo taagayo Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda federalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay ogolaansho haysteen ciidankii xalay howlgalka ka fuliyay guriga siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur, kaasoo haatan ku jira xabsi kuyaala magaalada Muqdisho.

Warsaxaafadeed kasoo baxay kulan ay wada qaateen laamaha ammaanka ayaa lagu sheegay in guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur lagu maleegayay falal dambiyeedyo.

Waxay dowladdu sheegtay ciidanka howgalka loo diray in ay doonayeen inay baaraan guriga siyaasiga, laakiin taa badelkeedu ay ciidankiisu rasaas bilaabeen, taasoo kadib isku badeshay iska hor imaad toos ah.

Dowladda waxay sheegtay in maxkamad lasoo taagayo Cabdiraxnmaan Cabdishakuur.

Kulanka waxa gobjoog ka ahaa xeer ilaaliyaha guud, kusimaha taliyaasha Booliiska iyo Nabad sugida, wasiirka amniga iyo warfaafinta.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this