Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo war cad ka soo saartay xariggii C/raxmaan C/shakuur iyo Maxkamad oo..

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa goor dhow war ka soo saartay xariggii iyo howl galkii xalay lagu qaaday Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur, kaasoo Ciidamo ka tirsan Nabadsugida ay ugu dhaceen gurigiisa, kuna soo xireen.

Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Xeer Ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Dahir ayaa lagu sheegay in hey’adaha amniga iyo xeer ilaalinta ay maalmahan wadeen baaris dambiyo lagu tuhunsan yahay muwaadiniin, kaasoo ku aadan falal dambiyeed qiyaano qaran, khal khal gelin iyo bur burin.

Wasaaradda Amniga Somaaliya ayaa ka hadashay howlgal Ciidamad Dowladda ay ka sameeyeen Guriga uu Magaalada Muqdisho ka degganyahay C/Raxmaan C/Shakuur Warsame,kaas oo laftiisa ay xireen Ciidamada Dowladda.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga, ayaa sheegay in Guriga C/Raxmaan iyo Ragga kale ee Gurigaas ku jiray ay ahaayeen dambiilayaal qaranka dambi ka galay islamarkaana C.Raxmaan C/Shakuur laftiisa uu diiday in baaritaan lagu sameeyo.

Afhayeenku waxaa uu sheegay in Ciidanka Ilaalada C/Raxmaan C/Shakuur ay Rasaasta billaabeen sidaasna ku biloowday isku dhicii xalay.

Dhinaca kale Wasiirka Amniga oo isna ka hadlay kulankaas ayaa sheegay in C/Raxmaan iyo Ragga la midka ah ay jebiyeen amarkii Wasaaradda ay soo saartay ee ahaa in Guri ama Hotel aan lagu qaban karin shir aanay wasaaraddu ka warqabin.

Xeer ilaaliyaha Qaranka oo isna ka hadlay goobta ayaa isna sheegay in Madax kale ay ku xigi doonaan howlgalkan xalay dhacay,waxaana uu sheegay in dambiilayaasha lala xisaabtamayo.

 

warka-dowladda.jpg?resize=696%2C928&ssl=

warka-dowlada1.jpg?resize=696%2C928&ssl=

The post Dowladda Soomaaliya oo war cad ka soo saartay xariggii C/raxmaan C/shakuur iyo Maxkamad oo.. appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this