Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Laba Askari Oo Lagu Dilay Magaalada Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Bosaso-[Puntland Post]-Kooxo hubaysan ayaa goor dhaweyd ku dilay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari laba Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Canshuuraha Boosaaso.

Labada Askari oo lagu dilay Bartamaha  Boosaaso, ayaa loo dilay si gaadmo ah sida ay Puntland Post u sheegen Dad ka ag dhawaa Goobtu dilku ka dhacay waxaana Kooxaha dilka geystay  ay ka baxsadeen goobta.

Halka dilku uu ka dhacay ayaa ahayd goob mashquul badan waxaana aad ugu badnaa Gaadiidka iyo dhaqdhaqaaqa dadka.

Maydka labada Marxuum, ayaa la geeyay Cisbitaalka wayn ee magaalada Boosaaso, halkaas oo ay tageen ehelada dad ka shaqeeya Canshuuraha.

Ciidamada amniga Boosaaso ayaa tagay goobta, waxayna sameeyen hawlgalo ka dib markii uu dilku dhacay.

Waxaa dilku uu kuso aadayaa xilli Ciidamada Amaanka Bosaso ay malmihii ugu danbeeyey hawlgalo la xirii aminag ay ka wadan Bosaso.

Faahfaahin dheeraad ah filo goor dhow Puntland Post insha allah

 

The post DEG DEG: Laba Askari Oo Lagu Dilay Magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this