Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo iyo Khayre oo seefta galka kala baxay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dawlada Soomaaliya oo u muuqata mid uu kusii yaraanaayo dul-qaadka kooxo isku xiran oo siyaasiyiin iyo xildhibaano ah oo doonayey inay maalmahan xididada usiibaan xukuumada ay hogaanka u hayaan Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Raisul wasaare Xassan Cali Khayre ayaa bilaabay inay shabakadaas isku xiran awood ku muuquniyaan.

Shalay ayuu xeer ilaaliyaha guud ee qaranku ku dhawaaqay inay baarlmaanka u gudbiyeen labba xildhibaan oo lagu eedeeyey qaran dumis si ay xasaanada uga qaadaan markaasna la horkeeno sharciga, labadan mudane oo kala ah Xasan Macalin Maxamuud iyo Cabdisaabir Nuur Dhuuriye ayaa kamid ahaa xubnaha baarlamaanka ee sida aadka ah dabada uga riixaaya in baarlamaanka la keeno mooshin ka dhana Dawlada madaxweyne Farmaajo.

Isla xalay ayey ciidamada nabad sugida qaranku hawlgal ay ka sameeyeen magaalada muqdisho waxay xabsiga u taxaabeen Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ahaa siyaasiyiinta sida aadka ah u diidan xukuumada taladda haysa ee madaxweyne Farmaajo, wararka ayaa sheegaya in xiligii la qabtay siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu ahaa dhaawac kadib isku dhac dhex maray ciidamada NISA iyo ilaalada siyaasigan, iyadoo intaas wararku ku darayaan in halkaas lagu diley afar kamida ilaalada khaaska ah ee siyaasiga.

Yaa dabada ka riixaaya shabakadda isku xiran ee diidan xukuumada Farmaajo?

Dawlada uu hogaanka u hayo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi   waxay bilowgiiba la kowsatay kooxo mucaarada kuwaas oo isugu jirey dhawr qaybood oo kala ahaa xubno siyaasiyiina oo markoodii hore si aada u taageersanaa madaxweyne Farmaajo quud daraynaayeyna inay xukuumadda farmaajo ka helaan xilal muhiima kuwaas oo iska dhex waayey markii lasoo dhisay xukuumada cusub.

Kooxda labaad ayaa ah tiro xildhibaano ah oo u badan kuwii codka siiyey madaxweynaha si lamida kuwa aan kor kusoo xusnayna doonaayey in madaxweyne Farmaajo uu codkoodii ugu badelo mansab siyaasadeed oo ay ka helaan xukumadiisa si lamidana ku hungoobay wixii ay ka filaayeen madaxweyne Farmaajo.

Kooxda sadexaad ayaa ah siyaasiyiintii xilalka ugu tunka weyn ka hayey Dawladii madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud kuwaas oo u muuqda inay ka samri waayeen dha-dhamadii afartii sano ee ay kursiga kusoo fadhiyeen, waxaana la rumaysan yahay inay siyaasiyiintani yihiin kuwa ugu daran ee baasiinka ku shubaaya diidmada xoogan ee ka dhanka  Farmaajo iyo Khayre waana kuwa la rumaysan yahay inay maalaayiin dollar oo ay kula dagaalamaan hogaanka Soomaaliya kasoo qaateen Dawlado shisheeye oo danahooda ka waayey hogaanka talada u haya Soomaaliya.

Doorka Dawladaha carabta 

Markii khilaaf ba’ani ka dhex qarxay Dawladaha Khaliijka Carabta ee ay kala hogaaminayaan Sacuudi Carabiya iyo Qadar waxay Dawlada Soomaaliya ku dhawaaqday inay qaadatay go’aan dhex-dhexaada oo aysana midna la safanayn Dawladaha Carbeed ee isku hardinaaya siyaasada carabta ee bariga dhexe, waxayna taas masuuliyiinta Dawladu kala kulmeen cadaadis xoogan oo uga imaanaya Dawlado ay kamid yihiin Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta.

Dawlada Imaaraadka oo ah tan ugu daran ayaa la rumaysan yahay inay malaayiin dollar faraqyada ugu shubtay siyaasiyiin Soomaaliyeed oo caana si ay u dumiyaan xukuumada madaxweyne Farmaajo iyo raisul wasaare Khayre oo ay danahoodii ka waayeen, Siyaasiyiintan oo fulinaaya danaha Dawladaha carbeed ayaa iyaguna dhaqaalihii ay ka heleen Imaaraadka kusoo daabulay magaalada Muqdisho si ay fuliyaan shaqooyinka loo igmaday.

Isku soo wada duubo Madaxweyne Farmaajo iyo Raisul wasaare ayaa u muuqda markii y xal kale waayeen in ay bilaabeen inay seefta galka kala baxaan ayna awood ku muuquniyaan shabakadan isku xiran ee khatarta ku ah xukunkooda.

PUNTLAND POST

The post Farmaajo iyo Khayre oo seefta galka kala baxay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this