Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda warfaafinta Puntland oo joojisay seminaar weriyayasha loogu qaban lahaa Garowe.

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Puntlandi) Wasaaradda warfaafinta dowladda Puntland ayaa saakay joojisay tababar loo qaban lahaa qaar kamid ah weriyayaasha Puntland ee ka howlgalla magaalada Garowe.

Tababarkaan oo uu soo qaban qaabiyay ururka NUSOJ, oo kaashanaya ururka MAP, ayay masuuliyiinta wasaaradda warfaafinta ka dul dhaceen goobta seminaarkaan lagu qabanayay, waxaana lagu amray in la joojiyo tababarka.

Tilaabdaan ayaa kusoo beegmaya, kadib markii Warfaafinta Puntland ay Sharci Daro Ku tilmaamtay Shaqada Ururka Map kadib markii uu mudo xileedkiisii dhamaaday ururkaasi islamarkaana uusan haysan sharciyad uu tababar ku qabto.

Waxaa haatan socda shir labo geesood ah oo u socda wasaaradda warfaafinta iyo labada urur, iyadoo looga hadlayo khilaafka jira.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this