Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Fiqi” Weerarkii Xalay Waxa uu ina Tusinayaa Fashilka Dowlada”

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo Kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadalay weerarkii xalay lagu qaaday Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi Ayaa sheegay in weerarkaasi uu ka xunyahay waxaana uu sheegay in weerarkaasi uu tusayo sida uu sheegay fashilka dowlada ku yimid.

Xildhibaanka ayaa sheegay in dowlada markii ay taag u weeysay Mooshinada laga wado in ay bilaawday beegsi toos ah.

Waxa uu sheegay in arintaani ay sababi karto in dib loo furo kalfadhiga Baarlamaanka oo hadda fasax ku maqan.

“Weerarkii xalay xqiiqdii waa mid madaxda Qaranka ay ku doonayaan in ay ku daboolaan fashilka heysta iyo in looga hortago kacdoonka uga imaanaya Xildhibaanada oo diyaar u ah in ay kulamadoodii caadiga ahaa qabsadaan” Ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.

Xalay Ciidamo katirsan kuwa amaanka dowlada Soomaaliya ayaa weerar qorsheeysan ku qaaday hooyga uu Muqdisho ka daganyahay Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii dalka soo maray.

Hoos ka Dhageyso Codka Xildhibaan Fiqi.

http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2017/12/Cod-Fiqi.mp3

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho

The post Xildhibaan Fiqi” Weerarkii Xalay Waxa uu ina Tusinayaa Fashilka Dowlada” appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this