Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Xisbiga Wadajir Oo Cambaareeyay Xarigga Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha xisbiga Wadajir Kamaal Guutaale oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa cambaareeyay xarigga siyaasi C/raxmaan C/shakuur oo kamid ah aas aasayaasha xisbigaasi.

Guutaale ayaa sheegay in wax lala xumaado ay tahay in la weeraro rag madax ah oo xilli ay la shirsanaayeen xildhibaanno, isaga oo sheegay in halka lagu soo weeraray Mr. Shakuur ahayd xafiiska xisbiga.

Ammarka lagu xirey C/raxmaan C/shakuur ayuu sheegay in laga soo bixiyey xafiisyada madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha waa sida uu hadalka u dhigaye.

Guutaale ayaa sheegay in ciidamada nabad sugidda ay mid mid u dileen ilaaladii xafiiska xisbiga oo uu tilmaamay inaanay hubeysneyn, isaga oo dhanka kale sheegay inuu jiro dhaawac soo gaaray C/raxmaan C/shakuur.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga:

http://www.goobjoog.com/business/wp-content/uploads/2017/12/WAREEYSKI-KAMAAL-GUDOOMIYAHA-XISBIGA-WADAJIR.mp3

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this