Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo badan oo la soo dhoobay Muqdisho iyo wadooyinka oo Xiran

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa saakay xiray wadooyinka Muhiimka ah ee magaalada Muqdisho.

Ciidamo aad u farabadan oo katirsan kuwa dowlada Soomaaliya ayaa saakay la soo dhoobay wadooyinka Muqdisho iyaga oo gaadiidka u diidaya in ay isticmaalaan qaar kamid ah wadooyinka Muqdisho.

Ciidamada ayaa xiray laga soo bilaabo Wadada Isgooyska Banaadir ilaa madaxtooyada Qaranka ee Villa Soomaaliya.

Sidoo kale ciidamada ayaa xiray Wadooyinka dhanka Degmada Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeeysa xiritaanka saaka wadooyinka Muqdisho.

Xalay ciidamo katirsan kuwa dowlada Soomaaliya ayaa weeraray hooyga Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho

The post Ciidamo badan oo la soo dhoobay Muqdisho iyo wadooyinka oo Xiran appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this