Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Xildhibaan Fiqi oo sheegay hal arrin oo dowladda ku qasabtay inay xirto Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamada Dowladda gaar ahaan  kuwa NISA ayaa xalay weerar culus ku qaaday guriga uu Muqdisho ka daganaa Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamidaa Mucaaradka kasoo horjeedo dowladda Soomaaliya.

Haddaba Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in weerarkii xalay lagu qaaday Hoyga Siyaasiga C/Raxmaan Cabdi Shakuur ay ku timid fashil heysta madaxda Sare.

Waxa uu sheegay in tani ay keeni karto in Xildhibaanada Qaranka ay kacdoon sameeyaan isla markaana Xildhibaanada fasaxa galay ay kulamadoodii ay dib u bilaabaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in weerarka lagu qaaday Guriga C/raxmaan Cabdi Shakuur uu daba joogo kacdoonkii ka dhashay labada Xildhibaan ee Xeer ilaaliyaha uu sheegay in xasaanada lagala noqonayo.

“Weerarkii xalay xqiiqdii waa mid madaxda Qaranka ay ku doonayaan in ay ku daboolaan fashilka heysta iyo in looga hortago kacdoonka uga imaanaya Xildhibaanada oo diyaar u ah in ay kulamadoodii caadiga ahaa qabsadaan ayuu yiri xildhibaanka”.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalkiisa

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2017/12/Cod-Fiqi.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Dhageyso: Xildhibaan Fiqi oo sheegay hal arrin oo dowladda ku qasabtay inay xirto Cabdiraxmaan Cabdishakuur appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this