Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Xog ka bixiyay sida uu u dhacay weerarkii lagu qaaday Hooyga C/raxman C/Shakuur

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu weli kasoo baxayaa weerar la sheegay in ciidamo ka tirsan dowlada ay ku qaaden Hooyga Magaalada Muqdisho uu ka degan yahay siyaasiga C/raxmaan C/shakuur.

C/raxmaan C/shakuur ayaa horay usoo noqday Wasiir iyo Musharax Madaxweynanimo doorashadii dalka ka dhacday 2016 ee lagu soo doortay Madaxweyne Farmaajo.

C/raxmaan C/shakuur ayaa xiligii la weeraraayay ku sugnaa Hooygiisa oo ku yaala agagaarka Garoonka Aadan Cadde, waxaana halkaa kula sugnaa Xildhibaano iyo Siyaasiyiin.

C/raxmaan C/shakuur ayaa mar qura ka warhelay rasaas jihooyin kala duwan kaga socta, waxa uuna bilaabay inuu badbaadsado naftiisa.

Weerarkaan oo socday wax ku dhow Saacad ayaa waxaa ka sheekeeyay Xildhibaan C/fataax Geesey oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanka oo u waramaayay Idaacada VOA-da qeybteeda afka Soomaaliga, ayaa sheegay in xiliga weerarka ay wada joogen Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur.

Xildhibaan C/fataax Geesey, waxa uu tilmaamay in rasaasta markii ay soo bilaabatay in ay darbiyada u dhawaadeen, kahor inta aysan darbiga gaarina C/raxmaan ay waxyeelo soo gaartay.

Xildhibaanku waxa uu xaqiijiyay in waxyeelada Siyaasiga soo gaartay ay aheyd mid ku eg xusulkiisa, kadib waxaa halkaasi ka kaxeeyay Ciidamada Dowladda gaar ahaan kuwa NISA oo howlgalka fuliyay.

Sidoo kale, Xildhibaanka waxa uu qiray in weerarkaas ay Siyaasiga uga dhinteen ugu yaraan 5 kamid ahaa ilaaladiisa, halka ay jirto waxyeelo kale oo soo gaartay dhalinyaro ku sugnaa Hooyga.

Dhinaca kale, weerarka ayuu ku sheegay inuu ahaa mid la xiriiray dhaliilo uu u jeedinaayay Dowlada Somalia, gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Xildhibaan Xog ka bixiyay sida uu u dhacay weerarkii lagu qaaday Hooyga C/raxman C/Shakuur appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this