Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso heshiiskii Gaalkacyo lagu kala saxiixday oo dhameystiran iyo nuxurka uu xambaarsanaa.

Recommended Posts

Deeq A.   

25348533_1015653425241508_31127685344207

Maantay oo ay taariikhdu ku beegan tahay 17 Dec 2017, maalintuna ay tahay Axad, waxaa halkaan hishiis taarikh ah ku kala saxiixanaya Guddoomiyaasha labada dhinac, 2da duq magaalo ee gaalkacyo iyo Odoyaasha dhinacyada Galmudug iyo Puntland ee magaalada Gaalkacyo. Hishiiskuna waxaa uu ka kooban-yahay qodobadaan soo socda:

1 – In la sameeyo Guddi labada dhinac ah oo ka shaqeeya Nabad-galyada Gobolka Mudug, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo

2 – In dhammaanba jidgooyooyinka la qaaday shalay oo taariikhdu ku beegnayd 16 Dec 2017 Sabti isla markaana ay waajib ku tahay labada dhinac in shacabka Gaalkacyo ay si nabad iyo xasillooni ah u adeegsadaan wadooyinka muhiimka ah ee horay u xirnaa laga bilaabo taariikhda maantay ah ee hishiiskaan la saxiixay.

3 – In la diyaariyo ciidan isku dhaf ah oo si rasmi ah u suga Nabadgalyada Gobolka Mudug.

4 – in baraha ay joogaan ciidamada Maleeshiyaadka ah ay sidii horayba loogu balamay ay baneeyaan, mas’uuliyada goobaha la baneeyayna ay tahay mid saaran ciidanka Isku dhafka ah.

5 – In goobaha ay joogaan Meleeshiyo Beeleedyadu ee deegaamada daaqsinka ah (Miyiga) ay ku kala sugnaadaan goobahooda inta xal waara laga gaarayo, isla markaana waxaa kormeeraya deegaannadaas ciidanka isku dhafka ah ee labada maamul iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

6 – in qof-waliba uu xaq u leeyahay in uu dhisto dago, iibsado, kuna ganacsado gurigiisa, aanna laga hor-istaagi karin dhinac kasta oo uu ku yaalo.

7 – in la joojiyo wararka colaadaha hurinaya,

8 – In dhammaan maamullada gobolka Mudug, ganacsatada iyo qaybaha kale duwan ee bulshadu ay gacan ku siiyaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, Booliska iyo Nabad-sugida, gudashada waajibaadkooda sugida ammaanka magaalada Gaalkacyo.

9 – In labada Guddoomiye Gobol iyo degmo ay si wadajir ah uga wadashaqeeyaan sugida amniga gobolka Mudug.

10 – Talyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu ballan-qaadayaa in uu adkeyn-doono Nabadda la wadaqaatay haddii Alle idmo.

11 – Ma’uuliyiinta Hishiiskaan saxiixay waxay ka codsanayaa Talyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed in uu ku wareejiyo sugida Amniga Gobolka Mudug ciidanka isku dhafka ah ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ee ku sugan gobolka Mudug marka la sameeyo, si ay u hantaan Nabadgalyada Gobolka Mudug.

F.G – Hishiiskaan wuxuu dhaqan-galayaa marka la wada saxiixo, dhinicii jabiyana hishiiskaan, waxaa loo aqoonsanayaa Nabad-diid, waxaana laga qaadayaa tillaabada ku habboon sida sharcigu qabo.

Saxiixayaasha Hishiiskaan waxay noqonayaan 26 qof oo 10 iyo 10 ah, iyo 6 gab-dhood oo 3 iyo 3 ah. Waxaa sidoo kale hishiiskaan saxiixi doona labada Guddoomiye ee Mudug, Iyo Labada Guddoomiye degmo ee magaalada Gaalkacyo.
Waxaa hishiiskaan goob-joog ka noqon-doona:

– Talyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas General C/wali Jaamac Xuseen Gorod.

– Talyaha Ciidanka Puntland Sareeye Guud General Siciid Maxamed Raagge (Siciid Dheere)

– Xidhibaan Sulaymaan Xuub-sireed.
Xidlhibaan C/rashiid

– Suldaan C/naasir Jaamac Seed.

– Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya Dr Sonkor Jaamac Geyre

– Waxaa Hishiskaan Guddoomin doona marka la saxiixa Islaan Bashiir Islaan Cabdille, Islaan Faarax.

Wabiilaahi Towfiiq

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this