Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaaraha Ethiopia oo booqan doona Masar

Recommended Posts

Deeq A.   

Is-bahaysiga Baarlamanka Masar ee xukuumadda taageera oo 350 kursi ku leh Golaha Baarlamanka ayaa soo dhoweeyey booqashada Ra’iisul wasaaraha Ethiopia,Hailemariam Desalegn uu ku tegayo Masar.

Is-bahaysiga ayaa booqashada Desalegn ku tilmaamay fursad lagu hagaajin karo,xiriirka Masar iyo Ethiopia,arrimaha ku saabsan biyo-xireenka Grand,xilli qaar kamid ah xildhinaannada Mucaaradka ay diideen booqashadiisa.

Af-hayeenka Is-bahaysiga Xil. Salah Hasballah ayaa sheegay in xildhibaannada iyo debloomaasiyiinta looga baahan yahay in ay kaalin weyn ka qaataan hagaajinta xiriirka Masar iyo Ethiopia ee ku aaddan biyo-xireenka Grand/Al-Nahda,sidaasi darneedna haddii la diido booqashada Desalegn ay wiiqayso dadaalkii lagu wanaajinayey xiriirka labada dal.

19 Mudane oo ka tirsan Baarlamanka Masar ayaa horay guddoomiyaha Baarlamanka u gudbiyey qoraal ay ku diiddan yihiin booqashada Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn ee ku saabsan wada-xaajoodka biyaha webiga Nile.

Ra’iisul Wasaare Desalegn oo dhowaan booqan doona Masar ayaa la filayaa in uu khudbad ka jeediyo Golaha Baarlamanka dalkaasi.

 

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar

The post Ra’iisul wasaaraha Ethiopia oo booqan doona Masar appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this