Sign in to follow this  
Deeq A.

Hargeysa : – Siyaasiga Jamal Cali Xuseen oo Hotel Mansoor Hargeisa kula kulmay Wasiirkii hore ee Beeraha Dawladii Kacaanka General Bile Rafle Guuleed

Recommended Posts

Deeq A.   


Siyaasiga reer Hargeisa ee Jamaal Cali Xuseen ayaa barta uu ku leeyahay Facebook soo dhigay qoraal kooban oo uu uga warmaayo kulan lama filaan ah oo Hotel Mansoor ee Hargeisa uu kula yeeshay Wasiirkii hore ee Beeraha ee Dawladii Kacaanka mudane General Bile Rafle Guleed.

Mudane Jamaal Cali Xuseen ayaa qoraalkiisa u dhigay sidan

Kulankii Bile Rafle Guuleed ee shalay hotel Maansoor: ninbaa ii yeedhay shalayto anigoo markaas uun soo galay hotel Maansoor Oo yidhi “waar miyaanad Jamaal Cali ahayn markaan ku jawaabay Haa ayuu isla ninkii iigu daray Oo yidhi ” waxaan kaa bartay telefishionka waanan jecelahay sida hufan ee aad u hadashid, anigana waxaa lay yidhaa Bile Rafle” runtii intaan yaabay anigoo hubinaya ayaan Ugu jawaabay; ” Ma Bile Rafle Guuleed baa tahay!” Inuu qoslay ayaanu si weyn isku salaanay. Waxaa la joogay asxaab faro badan Oo General Doolaal Ugu weyn yahay. Bile Rafle waa Ninka weli da’da yar ee koofiyadda gashan. Halkan hoose waa intayaddii wada fadhinay iyo in kale Oo na ag maraysay.

FB_IMG_1513532787930-400x300.jpg

FB_IMG_1513532795203-400x300.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this