Sign in to follow this  
Deeq A.

Heshiiskii shalay lagu gaaray magaalada Gaalkacyo oo maanta lagu kala saxiixday guriga Islaan Bashiir.

Recommended Posts

Deeq A.   

25348533_1015653425241508_31127685344207

Gaalkacyo (Puntlandi) Waxaa maanta guriga Islaan Bashiir Islaan Cabdulle ee magaalada Gaalkacyo lagu kala saxiixday heshiis ku saabsan adkaynta nabad gelyada gobolka Mudug, kaasoo ay kala saxiixdeen masuuliyiinta Puntland iyo Galmudug ee heer degmo, heer gobol, saraakiisha labada dhinac iyo waxgaradka.

Heshiiskaan oo ka kooban 9 qodob, ayaa lagu go’aamiyay shir ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo ay hormuud u ahaayeen taliyaha ciidanka xoogga dalka, taliyaha ciidanka difaaca Puntland iyo madaxweynaha maamulka Galmudug.

Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo shir guddoominayay kulanka heshiiska lagu kala saxiixday, ayaa kula dardaarmay masuuliyiinta labada dhinac inay heshiiskaan si buuxda u fuliyaan islamarkaana uusan noqon heshiisyadii horey loo galay oo aan waxba ka qabsooin.

Taliyaha ciidanka xooogga dalka, Sareeye Gaas, Cabdiweli Gorod, ayaa damaanad qaaday heshiiskaan inuu si buuxda ufulidoono cidii kasoo horjeesatana tilaabo adag laga qaadidoono.

Halkaan hoose ka akhri heshiiska.

sax.jpgsadex-1.jpgwaakaas.jpg

Puntlandi.com

 

 

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this