Sign in to follow this  
Deeq A.

Waaxda Difaaca Maraykanka oo qiratay Barnaamij Sirdoon ah.

Recommended Posts

Deeq A.   

Waaxda Difaaca Maraykanka ee Pentagon ayaa qiratay in ay lacago badan ku bixisay Barnaamij sir ah oo lagu baarayey diyaarado aan haybtooda la garan,Barnaamijkaas oo socday muddo sannado ah.

Saraakiil ka tirsan waaxda Difaaca Maraykanka ayaa u sheegay wargeyska New York Times in Barnaamijkaan uu bilowday sannadkii 2007,islamarkaana uu soo dhammaaday 2012,iyadoo intaas uu socday aanay ka war qabin badi mas’uuliyiinta Waaxda Difaaca Maraykanka.

Dukumintiyo la helay ayaa muujinaya in Barnaamijkaan hummaag diyaarado u eg oo hawada meeraysanaya,balse aan si sax ah loo garan karayn,taasoo la sheegay in uu qayb ka yahay basaaska diyaaradahaasi.

Qaar kamid ah mas’uuliyiinta Pentagon ayaa beeniyey waraaqo lagu daabacay Wargeyska New York Times oo la sheegay in ay dusiyeen saraakiil ka tirsan waaxda Difaaca Maraykanka.

PUNTLAND POST

The post Waaxda Difaaca Maraykanka oo qiratay Barnaamij Sirdoon ah. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this