Sign in to follow this  
Deeq A.

Mahad Salaadow Ilaahey hanaga kaa qabto dalka Diinta iyo Dadka uma roonide!! (Faalo Xasaasi ah)

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah Xildhibaanada kasoo horjeedo dowladnimada Soomaaliya ayaa Bartiisa Facebook kusoo qoray hadal aan runtii si weyn ula yaabay sidoo kalana ay la yaabeen intii akhrisatay.

Mahad Salaad ayaa soo qoray Farriintaan hoos kaaga muuqato:

CAJIIB! Ma Madaxweyne mise…!!!

Mudane Madaxweyne Xildhibaan in xasaano laga qaado, lana dacweeyo wado sharci oo loo maro iyo ogolaansho Barlamaan ayay u baahantahay ee garsoorka hanaga danbaajin!

Waxa aad ka qubaneyso haday tahay mooshinka lagaa qorayana xeer ilaalin kaama joojin karto ee Xildhibaanada ha isku sii caraadin. Hadii ujeedku ahaa indhaha Umadda Soomaaliyeed kasii jeedi Ciidamada aad qabiilka ku sheegtay ee aad kala dirtayna kow kaamaanan dhihin, waadna ku fashilantay hugaaminta dalka iyo dadka Soomaaliyeed ee aan ku duceynee xilkii umaddu kugu aamintay usoo celi si ay u doortaan mid ka shaqeeya danta dalka, dadka iyo diinta.

Midna ogow mudane Madaxweyne, annagu waxaan u dhaaranay dalka, dadka iyo diinta inta naftu nagu jirtana cidna uga haybeysan meyno difaacooda ee waqti yuusan kaaga dhumin caay, caga jugleyn iyo kicinta ciifo qabiil!

Hadalkaas Mahad Salaad uu kusoo qoray bartiisa Facebook ayaa noqday fadeexo weyn, wuxuuna dharka usoo siibtay inuu aflageedyo madaxweynaha Soomaaliya oo ah shakhsiga ugu sareeyo Soomaaliya.

Qof kasta oo akhriyo waxa uu Facebook kusoo qoray Mahad Salaad waxaa u caddaaneyso inuusan matali karin Shacabka Soomaaliya isla markaasna aan looga fadhin inuu dalka wax kusoo kordhiyo.

Midda iigu yaabka badneyd ayaa aheyd markii uu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey waxaan u dhaaranay dalka diinta iyo dadka.

Mahadow maxaad u qabatay dalka Diinta iyo Dalka Afartii sano ee aad Madaxtooyada ku jirto oo ay laba jeer oo kala duwan ay Shabaab gudaha kuugu soo galeyn?!

Waxaan akhriyey ilaa 200 oo jawaab oo laga bixiyey hadalkiisa, 99% dadka fariimaha kasoo dhiibtay ayaa dhammaantood  jawaabo uu u qalmo siiyey mahad Salaad waxaana kasoo qaadanayaa dhawr xabo oo ugu muhiimsanaa:

jawaab4.jpg?resize=494%2C189&ssl=1

jawaab13.jpg?resize=490%2C162&ssl=1jawaab12.jpg?resize=484%2C76&ssl=1jawaab11.jpg?resize=440%2C67&ssl=1jawaab10.jpg?resize=473%2C86&ssl=1jawaab9.jpg?resize=495%2C111&ssl=1jawaab8.jpg?resize=472%2C100&ssl=1jawaab7.jpg?resize=486%2C130&ssl=1jawaab6.jpg?resize=483%2C138&ssl=1jawaab5.jpg?resize=494%2C140&ssl=1  jawaab3.jpg?resize=473%2C88&ssl=1jawaab2.jpg?resize=481%2C109&ssl=1jawaab1.jpg?resize=483%2C80&ssl=1

Waxaa qoray: Saalax Sabriye Cali

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

 

The post Mahad Salaadow Ilaahey hanaga kaa qabto dalka Diinta iyo Dadka uma roonide!! (Faalo Xasaasi ah) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this