Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaanno Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan oo lagu eedeeyay inay galeen dambiyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Axmed-Cali-Daahir.png?resize=812%2C514Muqdisho (PP) ─ Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Axmed Cali Daahir oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa dacwad kusoo oogay labo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Somalia, kuwaasoo lagu eedeeyay inay galeen dambiyo.

Dr. Axmed Daahir ayaa faray Hay’addaha sharci-fuliyeyaasha, sida booliiska iyo hoggaanka baarista dambiyaya in wixii maanta ka dambeeya ay gutaan waajibaadkooda.

Sidoo kale, Wuxuu sheegay in Guddoomiyaha baarlamaanka ay u gudbiyeen qoraal cadeynaya labo xildhibaan oo galay fal dambiyeedyo waa weyn, sida abaabul iyo sharci darro qaran dumis, isla markaana cadeymahooda oo dhameystiran la haayo

Xeer-ilaaliyaha guud ayaa dalbaday in xildhibaannada kala ah Xasan Macalin Maxamuud iyo Cabdisaabir Nuur Dhuuriye laga qaado xasaanada, si loo hor-geeyo sharciga.

xeer ilaaliyaha

DEG DEGXeer ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Dr Axmed Cali daahir oo Goordhaweyd Shir jaraaid ku qabtey Xafiiskiisa ayaa sheegay in baaris lagu sameynayo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu tuhmayo Dowlad DumisXeer ilaaliyaha Guud ayaa Sheegay in Gudoonka Baarlamaanka ay ugudbiyeen Warqad ay kaga dalbanayaan in Xasaanada laga qaado Labada Xildhibaan Ee kala ahXasan macalin maxamuud iyo Abdi saabir Nuur shuuriyeXeer ilaaliyaha Ayaa ku eedeyey Xildhibaanadan in ay Dhaqaalo Dowlada lagu duminayo ka soo qaateen Dowlado Shisheeye

Posted by Universal Somali TV on Sunday, December 17, 2017

“Xildhibaannada kala ah; Xasan Macallin Maxamuud iyo C/saabir Nuur Shuuriye waxay galeen dambiyo Qaran-dumis, waa in xasaanadda laga qaadaa, baaris-dheer kaddib waxaa ku cadaatay Dowlad-dumis iyo inay dhaqaale ka soo qaateen dowlado shisheeye,” ayuu yiri Dr. Axmed Cali.

Dhakna kale, Xeer-ilaaliyaha ayaa hadalkiisa ku daray in xildhibaanno kale oo dhibaatooyin noocan oo kale ah wada ay jiraan, isla markaana uu amar ku siiyay hay’adaha amniga inay baaritaanno ku sameeyaan si ciddii ay ku cadaato sharciga loo hor-geeyo.

Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa noqonaysa middii ugu horreysay nooceeda oo uu ku dhawaaqo xeer-ilaaliayaha Qaranka, wuxuuna hadalkaan uu kusoo beegmayo iyadoo dhawaanahan ay jireen hadallo ku aaddan mucaaradnimo.

PUNTLAND POST

The post Xildhibaanno Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan oo lagu eedeeyay inay galeen dambiyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this