Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqeyn ka dhacday Soomaaliya oo lagu dilay saraakiil sare oo Al-shabaab ka tisan

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhowr sarkaal oo ka tirsan Al-shabaab ayaa ku dhintay duqeyn ay diyaaradaha drons-ka ka fuliyeen nawaaxiga magaalo xeebeedda Kismaayo ee Koonfurta Soomaaliya.

Sarkaal diiday magaciisa ayaa sheegay in tiro duqeymo ah lagu garaacay saldhig ku yaalla degaanka Beerxaani oo 60km koonfur uga beegan magaalada Kismaayo,taasoo ay ku dhinteen dhowr sarkaal oo Al-shabaab ah.

Dadka degaanka Beerxaani ayaa soo weriyey qarax weyn oo laga maqlay saldhigga saacadihii hore ee Sabtidii shalay.

“Waxaan maqalnay qaraxyo waaweyn oo dhulka gariiriyey,waxaana na loo sheegay in saldhigga Al-shabaab ay weerareen diyaaradaha drons-ka Maraykanka”,ayuu yiri mid kamid ah dadka degaanka.

“Duqeymaha waxaa lagu garaacay saldhig ay dagaallamayaashu isku uruursanayeen,taasoo keentay tiro khasaare ah”,sidaasi waxaa yiri Sarkaal ka tirsan Militariga Soomaaliya,laakiin ma xusin tiro sugan.

Taliska Ciidanka Maraykanka ee Afrika ayaan ilaa iyo hadda xaqiijin weerarka,inkastoo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drons-ka Maraykanka ay kordhiyeen duqeymahooda,kuwaasoo ugu yaraan 10 weerar oo cirka ah ku qaaday koonfurta iyo Waqooyiga Soomaaliya bishii Nov ee sannadkaan.

Duqeynta ayaa timid todobaad kadib markii duqeyn kale lagu burburiyey gaari looga shakisanyahay in uu qaraxyo siday gobolka Shabeellaha hoose ee Soomaaliya.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Difaaca Soomaaliya Maxammed Cali Xagaa,ayaa jimcihii sheegay in Soomaaliya u baahantahay in la kordhiyo duqeymaha diyaaradaha drons-ka si loo jebiyo Al-shabaab,xilli ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay bilaabayaan in ay dalka ka baxaan bishaan.

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar

The post Duqeyn ka dhacday Soomaaliya oo lagu dilay saraakiil sare oo Al-shabaab ka tisan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this