Sign in to follow this  
Deeq A.

Jawaari”Xukuumada hala Timaado Nidaam Lagu Hago Wada hadalada Soomaaliya&Soomaaliland”

Recommended Posts

Deeq A.   

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaaanka Soomaliya Pro Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa ugu baaqay Xukuumadda Raisulwasaare Xasan Cali kheyre in ay la timaado nidaam siyaasadeed oo lagu hagayo wadahadalka Soomaaliya iyo Soomaali-land.

Isagoo ka hadlayay  xiritaanka Kalfadhigii labaad ee Golaha shacabka baarlamaanka Soomaliya ayuu sheegay Jawaari in loo baahan yahay in laga mira dhaliyo wada-hadalka Soomaaliya iyo Soomaaliland,madaama lagu guuldareystay sanadihii dambe.

“Xukuumadda Soomaaliya waxaa loogu fadhiyaa in ay soo noolayso wada-hadalkii Somaaliya iyo Somali-land, oo laga baxo habkii hore ee lab-laabka ahaa islamarkaana raisulwasaare Xasan Cali Kheyre Xukuumadiisa la timaado nidaam siyaasadeed oo lagu hagayo wada hadalka Soomaaliya iyo Soomaaliland”, ayuu yiri Gudoomiye Jawaari.

Dhowr jeer waxaa fashilmay wada-hadaladda Soomaaliya iyo Soomaaliland iyadoo labada dhinac ay eedeemo isku jeediyeen.

Hoos ka Dhageyso Codka Jawaari

http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2017/12/Cod-Jawaari.mp3

The post Jawaari”Xukuumada hala Timaado Nidaam Lagu Hago Wada hadalada Soomaaliya&Soomaaliland” appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this