Sign in to follow this  
Deeq A.

Roobow oo abaabul dagaal ka bilaabay Xudur & Kulan uu albaabada u xiran yahay oo uu la qaatay Saraakiisha Ethiopia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Degmada Xudur ayaa sheegaya in halkaa uu ka socdo abaabul dagaal oo uu wado wadaadka Mukhtaar Roobow oo dhawaan la sheegay inuu isku soo dhiibay dowlada Somalia.

Abaabulka Mukhtaar Roobow ayaa si xooli ah uga socda magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool, waxaana lasoo sheegayaa in abaabulka ay qeyb ka tahay maamulka Koonfur Galbeed.

Wadaadkan oo dib ugu laabtay magaalada Xudur ayaa la xaqiijiyay in halkaa uu kula kulmay Saraakiil ka tirsan ciidamada Ethiopia oo uu ka dalbaday inay garab muuqda ku siiyaan dagaalka uu kula jiro maleeshiyada al-Shabaab.

Saraakiisha Ethiopia ayuu ka dalbaday in lala soo afjaro dhaqdhaqaaqyada ay maleeshiyaadka al-Shabaab ku doonayaan inay ku qabsadaan deegaano ka tirsan Bakool.

Xoogaga ka amar qaata Mukhtaar Roobow ayaa iminka ku sugan degaanka Abal, waxa ayna halkaa kawadaan diyaar garow ay ku doonayaan in qeybo kamid ah Gobolka Bakool uga saran al-Shabaab.

Maleeshiyada al-Shabaab ayaa dhawaan shaacisay in ay dagaal ku dileen wiil uu dhalay Mukhtaar Rooboow oo ku sugnaa duleedka degaanka Abal.

Sidoo kale, Degaanka Abal ayaa ah meeshii uu tagay Mukhtaar Roobow Markii uu ka baxay al-Shabaab, waxaana deegaankaasi gacanta ku haya Xoogag daacad u ah Roobow.

Dhinaca kale, Roobow oo garab ka helaaya ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa Ethiopia ayaa lagu wadaa inuu qaado duulaan ka dhan ah al-Shabaab.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Roobow oo abaabul dagaal ka bilaabay Xudur & Kulan uu albaabada u xiran yahay oo uu la qaatay Saraakiisha Ethiopia appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this