Sign in to follow this  
Deeq A.

Ethiopia oo ku biirtay xiisada deegaanka uu ka arimiyo Roobow & Cabsi laga qabo in deegaankaas ay gasha gacanta Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya deegaanka Abal ee gobalka Bakool ayaa sheegaya in halkaa ay ka taagan tahay xiisad u dhexeysa ciidamada maamulka Koonfur Galbeed oo garabsanaaya kuwa Mukhtaar Roobow iyo maleeshiyaadka al-Shabaab oo dhinac ah.

Xiisada ayaa ka taagan deegaan aan sidaa uga sii fogeyn Abal oo dhawaan la geeyay ciidamo Ethiopian ah, isla markaana la doonaayo inay la dagaalamaan al-Shabaab.

Xiisada cusub ee iminka taagan ayaa imaaday kadib markii al-Shabaab ay dageen fariisimo ay ka carareen Xoogaga  daacada u ah Mukhtaar Roobow, waxaana tuullo aan sidaa uga fogeyn la dajiyay ciidamada Ethiopia oo dusha ka ilaalinaaya kuwa Mukhtaar Roobow.

Ciidamada Ethiopia iyo kuwa al-Shabaab oo isku muuqda ayaa mararka qaar is weydaarsanaaya Hub ay qolo waliba ku muujineyso joogitaankeeda.

Maleeshiyada al-Shabaab ayaa dooneysa in deegaanka Abal iyo dhammaan deegaanada ku hareereysan ay kala wareegan Mukhtaar Roobow oo halkaa ka arimiya, waxaana arrintaa kasoo horjeeda Xoogaga Roobow oo garab ka helaaya Maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidamada Ethiopia.

Cabsida ugu weyn ayaa ah in ciidamada Ethiopia ay isaga soo baxaan deegaanka ay iminkaku sugan yihiin oo ay ka ilaalinayaan kuwa Roobow.

Dhinaca kale, Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay wadaan qorsho al-Shabaab looga sifeynaayo dhammaan deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Ethiopia oo ku biirtay xiisada deegaanka uu ka arimiyo Roobow & Cabsi laga qabo in deegaankaas ay gasha gacanta Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this