Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Somaliland oo weeraray ku qaaday Fanaanka Nimcaan Hilaac

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka Warbaahinta PUNTLAND POST Ay ka heleeyso Magaalada Boorama ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Maamulka Somaliland ay weerar ku qaadeen hooy uu magaaladaasi ka dagay Fanaanka Nimcaan Hilaac.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in ciidamadaan oo ah kuwa amaanka Soomaaliland oo doonayay in ay xiraan Fanaanka uu isku dhac dhexmaray dadka deegaanka oo ka hor istaagay in ay xidhaan ciidamada Fanaanka.

Nimcaan Hilaac ayaa Boorama ka soo galay dhanka iyo xuduuda wadanka Djabouti.

isku dhacaasi dhexmaray ciidamada amaanka iyo dadka deegaanka oo difaacayay fanaanka uu geeystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Fanaanka Nimcaan Hilaac ayaa la sheegay in uu hadda u baxsaday dhanka iyo dalka Itoobiya sida ay sheegayaan warar aan helnay.

Soomaaliland ayaa xirta dadka magaca leh ee yimaada Koonfurta Soomaaliya iyada oo u aragta in ay qilaafsanyihiin gooni isutaaga ay ku dhawaaqeen.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post

The post Ciidamada Somaliland oo weeraray ku qaaday Fanaanka Nimcaan Hilaac appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this