Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad Dagaal Oo Laga Soo Sheegayo Deegaanno Ka Tirsan Gobolka Bakool

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya gobolka Bakool, gaar ahaan deegaanka Abal iyo sidoo kale deegaano halkaasi ku dhow ayaa waxay sheegayaan iney jirto xiisad dagaal oo u dhaxeysa ciidamada dowladda oo garabsanaya kuwa Mukhtaar Roobow iyo sidoo kale dagaalyahannada Al-shabaab oo dhinac ah.

Xiisaddan ayaa daba socota dagaallo ka dhacay deegaanka Abal, waxaana la tilmaamayaa in is abaabul xooggan ay wadaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Mukhtaar Roobow oo deegaankaasi fariisin u ah.

Goob joogayaal la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegaya in cabsi daran ay jirto, iyadoo dhanka kale saraakiisha dowladda ay aysan wax war ah kasoo saarin dagaalladaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this