Sign in to follow this  
Deeq A.

Miisaaniyadda Soomaaliya waxa ay buuxisay shuruudihii hay’adda lacagta aduunka, waxaa sidaas sheegay sarkaal ka tirsan IMF

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online): Miisaaniyaddii ay toddobaadkan ansixiyeen Baarlamanka Soomaaliya waxa ay la jaanqaadeysaa is bedelka dhinaca lacagaha ah ee ay sameysay dowladda markii ay ku biirtay barnaamij ku deeqaha lacagaha oo caalami ah bishii Maajo, waxaa sidaas u sheegay Reuters masuul ka tirsan IMF-ta.

Somalia waxa ay haatan ku jirtaa qiimeyntii labaad oo 12 bilood ah oo ay ku sameenayaan shaqaale u xil saran IMF-ta kaddib laban sano oo ay xasarado iyo dagaalo ku jirtay, buuxinta shuruucda lacagaha ee IMF-ta waxa ay u fureysaa albaabaddii ay ku heli lahayd deymo iyo in loo ogolaado maalgalin dhaqaale oo ay ka hesho haayaddaha dhaqaalaha caalamiga ah.

Miisaaniyaddii $274 million ee la meelmariyey arbacaddii waxaa qeyb ka ah tallaabooyin la filayo in sare loogu qaado dhakhliga la soo uruuriyo $20-$25 million, Waxaa ku jira soo kordhinta iibka iyo canshuurta lacagaha shirkadaha isgaarsiinta iyo in meesha laga saaro canshuurtii aan laga qaadi jirin sharci dejiyeyaasha, sidaas waxaa yiri Mohammed Elhage oo hogaaminaya shaqada IMF-ta Somalia.

“Kuwani waa calaamado aad muhiim u ah.” Waxa uu sheegay intii ay socotay booqashadii bishii September, in IMF-tu ay ka niyad jabsaneyd horumarka ay sameysay dowladda, taas oo xafiiska la wareegtay doorashadii Febraayo kaddib, Laga soo bilaabo September ilaa iyo hadda, waxaan aragnaa ka’gonaansho is bedel oo xooggan, masuuliyiinta waxa ay si dhaw uga shaqeenayaan waxa loo baahan yahay in la sameeyo.

Miisaaniyadda waxa ay muujineysaa in dowladdu qabatay ku dhawaad $156 million oo ah dhakhliga gudaha iyo $118 million oo deeqo ah, Dalka ka dhisan geeska Africa waxa uu ka soo kabanayaa labaataneeyo sano oo colaad ah iyada oo maleyshiyada Al Shabab wali yihiin Qatar.

Miisaaniyadda cusub wali waxaa aad ugu badan deeqaha, kuwaas oo sanadkii hore ku qarash gareeyey ku dhawaad $1.5 billion deeqaha raashinka, caafimaadka iyo nadaafadda, Kor joogeyaasha waxa ay tilmaamayaan miisaaniyadda cusub iyo meelmarinta Baarlamaanka in ay tahay tallaabo hore loo qaaday.

“Haddii ay IMF-ta ku qanacdo, taasi waxa ay muujineysaa in dowladdu ay bilowday soo uruurinta dhakhliga,” waxaa sidaas yiri dimlomaasi reer galbeed ah.

“Haddii ay helaan deymo, taasi waxa ay caddeyneysaa in dahab ka dambeeyo qaanso-roobadka.”

Deymo ay ka hesho IMF-ta waxa ay dowladda dhexe siin doontaa fursad ay ku saameyso dowlad gobolleedyadyada xubnaha ka ah, ayuu intaa raaciyey dimlomaasiga.

Dowlad gobolleedydu waxa ay xukumadda Muqdisho ku khilaafsan yihiin qodobo dhawr ah oo ay ka mid tahay xasaradda u dhexeysa Qadar iyo dalalka kale ee Khaliijka.

Deymaha dibadda Soomaaliya looga leeyahay waxa ay gaareysa 5.2 billion sida ay sheegtay IMF-ta. Iskama aysa gudin tan iyo markii uu dagaalka sokeeye ka dilaacay muddo 25 sano hadda laga joogo, IMF-tu waxa ay sheegtay toddobaadkan koboca dhaqaalaha waxa uu gaari doonaa 2.5 boqolkiiba sanadka 2018 isaga oo ka soo booday 1.8 oo uu ahaa sanadkan, markaas oo ay abaraha iyo amaan daradda ka hoos marisay sadaashadii IMF-ta oo ahayd 2.5 boqolkiiba.

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

 

The post Miisaaniyadda Soomaaliya waxa ay buuxisay shuruudihii hay’adda lacagta aduunka, waxaa sidaas sheegay sarkaal ka tirsan IMF appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this