Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Puntland oo todobaadkaan xariga ka jaraysa kastamka Tuurdibi iyo wasiirka ganacsiga oo halkaas gaaray.

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Ganacsiga Puntland iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Kastamka Tuurbidi ee magaalada Galdogob, waxaana la filayaa Todobaadka soo socda iney xariga ka jaraan Mas’uuliyiin ka socota Puntland iyo Ethiopia.

Wasiirka Ganacsiga & Warshadaha ee dawladda Puntland Cabdiweli Xirsi Indho-Guran oo ah wakiilka dawladda ee arrimahan ayaa kulamo la yeeshay maalmihii ugu dambeeyey ganacsato  ka socotay dalka Itoobiya iyo shirkado kale, kuwaas oo ay ka wada hadleen Maalgashiga Puntland.

Ganacsatada Puntland ayaa fursado waa weyn oo Ganacsi  ka helaya Kastamka cusub, maadaama Ganacsigoodu toos ugu gudbayo gudaha dalka Itoobiya oo ay ku nool yihiin Shacab aad u fara badan.

25299243_1988248337858768_54320749055411 25299367_1988248801192055_20926762341813 25348679_1988250884525180_84487549249443 25353643_1988251684525100_16973417778157 25353946_1988251781191757_55106859098389 25353673_1988251864525082_29247661123725 25299257_1988252037858398_78182855351059 25348598_1988252201191715_23390129320084 25348827_1988252847858317_38290034159835 25299338_1988258861191049_11299842515156

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this