Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo Soo Xiraya Kalfadhiga Labaad ee Baarlamaanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Goordhow soo xiraya kalfadhiga Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa la xiray wadooyinka Soo gala xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho halkaasi oo la soo dhoobay ciidamo aad u fabadan oo katirsan kuwa dowlada Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa qudbad uu kaga hadlayo xaaladaha dalka u jeedin doono Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa gali doono Fasax ilaa 3 Bilood ah iyada oo dib uu u furmi doono Kafdhiga Baarlamaanka Bisha March ee Sanadka 2018-ka.

inta uu socday Kalfadhigaan 2-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xildhibaanadu waxa ay meel mariyeen hindise sharciyeed kala duwan.

Kalfadhiga Sadaxaad ee soo socdo Baarlamaanka ayaa waxaa horyaalo hindise sharciyeedyo kale oo Baarlamaanka loo soo gudbiyay.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho

The post Madaxweyne Farmaajo oo Soo Xiraya Kalfadhiga Labaad ee Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this