Sign in to follow this  
Deeq A.

(SAWIRRO) Dowladda Puntland iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka oo furay wadooyinkii ku xirmay colaadihii Gaalkacyo.

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (Puntlandi) Taliyaha Ciidanka xoogga Cabdiwali Jaamac Gorod, madaxweynaha Galmudug iyo masuuliyiin ka socotay dowladda Puntland, ayaa maanta ku guuleystay in ay furaan wadooyinkii ku xirmay dagaaladii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.

Furitaanka wadooyinkaan ayaa yimid ka dib markii maalmihii lasoo dhaafay magaalada Gaalkacyo ay ka socdeen kulamo iyo shirar nabadayn ah oo  ay hormuud u ahaayeen taliyaha ciidanka xoogga General Gorod  iyo taliyaha ciidamada difaaca Puntland General Siciid Dheere.

Wadooyinka maanta la furay ayaa ah kuwo muhiim u ah isku socodka dadka iyo sidoo kale Gaadiidka, waxayna wadooyinku ahaayeen kuwo dhinaca Galmudug laga xiray.

DAAWO SAWIRRADA.

4-36.jpg 5-29.jpg 6-22.jpg 7-17.jpg 1-42.jpg 2-42.jpg 3-40.jpg

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this