Sign in to follow this  
Deeq A.

Erdoğan: Haddii Ay Qudus Faraha Ka Baxdo, Ma Ilaalin-doonno Makka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa ka digay in la dayaco magaalda Bareysan ee Qudus isaga oo ku tilmaamay dayacaada Qudus inay la mid tahay Kacbada oo la dayacay iyo magaalo madaxyada kale ee dowladaha Islaamka.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa ku eedeeyay Mareykanka in uu bambo ku tuurtay bariga dhexe.

Recep Tayyip Erdoğan oo jimcadii shalay qudbad ka jeedinayey Istanpul ayaa yiri “Hadii aan weyne Qudus, nooma suurto galeyso inaan ilaalino madiinatu munawarah, hadii aan weyno madiina ma awoodno inaan ilaalino makka, hadii aan weyno Makah waxay weyn doonaa Kacbada”.

Recep Tayyip Erdoğan ayaa intaai ku daray in weerar cusub lala beegsano bariga dhexe iyo dhammaan umadda muslimiint ah ka dib aqoonsigii Mareykanka uu u aqoonsaday in ay Qudus tahay magaalo madaxda Isarel, waxaa uuna hoosta ka xariiqay in dalkiisa uu sii wadi doono qaadashada tallaabooyin kale oo looga hortagayo go’aanka maamulka Mareykanka.

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this