Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xaaf Oo Sheegay In La Furayo Waddooyinka Xiran Ee Magaalada Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo sidoo  kale taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas C/weli Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa kulan looga hadlayey amniga Gaalkacyo waxay la yeesheen waxgaradka kasoo jeeda Puntland iyo Galmudug.

Madaxweyne Xaaf oo kulankaasi hadal ka jeediyey ayaa sheegay iney furi doonaan waddooyinkii ku xirmay colaadda Gaalkacyo, wuxuuna sheegay in aan loo dulqaadan karin waddooyinka oo shacabka laga xiro.

“Reer Gaalkacyow sidan caqli shaqeynaya ma ahan, wax sii socon kara ma ahan, aniga waxaan rabaa in degdeg lagu furo jidadka xiran, haddii aan wax kale weynno kuwa na fitneenaya waan habaareynaa weyna dhimanayaan, walaalayaalow maxaan isku dileynaa, waxaan codsanayaa in qof dambi galay aanu suuqa ku xaragoon” ayuu yiri madaxweyne Xaaf.

Dhanka kale, taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed C/weli Jaamac Gorod ayaa dhankiisa ugu baaqay bulshada ku dhaqan gobolka Mudug iney ka shaqeeyaan midnimada si loo gaaro xasilooni iyo amni.

Gaalkacyo oo ay wada maamulaan Puntland iyo Galmudug ayaa hadda waxaa ka soconaya dedaallo badan oo lagu doonayo in lagu soo celiyo nabadda magaaladaasi.

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this