Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqeyn ay amartay Dowladda oo Xalay lagu dilay Saraakiil ka tirsan Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo  (Caasimadda Online) – Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada Hoose gaar ahaan Degaanka lagu Magacaabo Beer-xaano oo u dhow Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Xalay Fiidkii Diyaarado dagaal ay duqeeyeen Fariisimo Xarakada Al-shabaab ay ku leeyihiin Degaankaas.

Duqeynta ayaa la sheegay in Diyaaradahu ay la Bartilmaameedsadeen Saldhig Al-shabaab ay ku leeyihiin Degaanka Beer-xaano,waxaana dadka Degaanka laga soo xigtay in Dhowr Gantaal ay ku dhufteen halkaas Diyaaradaha Wax Duqeeyay Degaanka Beer-xaano.

Dhanka kale Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka ayaa sheegay in Duqeyntaas lagu dilay 15 Dagaalame oo Labo kamida ay yihiin Saraakiil Xilal ka hayay Al-shabaab.

Sidoo kale general Saxardiid  ayaa xaqiijiyay Duqeynta xiliga ay dhacay say ay saldhiga uu shir ugu  socday Saraakiil ka tirsan Al-shabaab ee gobolka jubbada hoose.

Taliyaha Qeybta 43 Aad ee ciidanka Xoogga Dalka Ggeneral Ismaciil Saxardiid ayaa Warbaahinta Dowladda u sheegay in Labada Sargaal ee Shabaabka ah ay kala ahaayeen Madaxii Sakawaadka Degaanka Beer-xaano iyo kii Amniyaadka Degaankaasi.

Taliyaha waxa uu tibaaxay in 2 km ay ugu baxeey Al-shabaab Degaanka beer-xaani

Magacyada iyo sawirrada Saraakiisha Al-shabaab ee lagu dilay duqeynta ay sheegeen Saraakiisha xoogga dalka iyo mareykanka in ay soo gubbin doonaan.

Duqeynta Diyaaradeed ayaa loo maleynayaa in ay Fuliyeen Diyaaradaha aan Duuliyaha la heyn Ee laga leeyahay Wadanka Mareykanka,mana jiro wax war ah oo ka soo baxay Mareykanka oo ku aadan Duqeynta Xalay ka dhacday Degaanka Beer-xaano ee Gobolka Jubbada Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

 

 

The post Duqeyn ay amartay Dowladda oo Xalay lagu dilay Saraakiil ka tirsan Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this