Sign in to follow this  
Deeq A.

Arrin cusub: Israel oo magaalada Tel Aviv uga yeertay amiirka dhaxal sugaha Sacuudiga, kadib go’aankii Shirka Istanbul

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Israel ayaa daboolka ka qaaday in magaalada Tel Aviv, ay ku marti galineyso amiirka dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga Muxammad bin Salman.

Booqashadan ayaa waxaa saxaafada u xaqiijiyay Wasiirka Sirdoonka Israel Mr Yisrael Katz oo sheegay inay ahmiyad gaara xiligaan u leedahay inay marti galiyaan amiirka dhaxal sugaha Sacuudiga.

Mr Yisrael Katz, waxa uu tilmaamay inay ku rajo weyn yihiin in amiirka uu soo gaaro magaalada Tel Aviv, maadaama uu soo hagaagayo xiriirka labada dhinac.

Arye Shalicar oo ah Afhayeenka Wasaarada ayaa dhankiisa ka sheegay in Katz uu muujiyay rajadiisa ku aadan booqashada Amiirka.

Afhayeenka oo saxaafada u bayaaninaayay qaabka ay u dhicikarto booqashada ayaa waxa uu yiri ” Wasiir Yisrael Katz, waxa uu xaqiijiyay in boqorka Sacuudiga uu marti qaaday Ra’isul wasaaraha Benjamin Netanyahu iyo in Mohammed bin Salman, wiilka Boqorka uu yimaado oo soo booqdo Israel,”

Dowlada Israel waxa ay booqashada ku tilmaantay mid lagu xoojinaayo iskaashiga labada dal iyo in la mideeyo Siyaasadaha labada dhinac.

Sidoo kale, Sannadihii ugu danbeeyay, waxaa jira warar badan oo la xidhiidha xiriirka ka dhexeeya Riyadh iyo Tel Aviv, inkastoo xaqiiqda tahay in Sacuudi Carabiya, iyo wadamada kale ee midowga carabta, aysan si rasmi ah u aqoonsaneyn Gumaystaha Israil.

Si kastaba ha ahaatee, booqashada laga dalbanaayo amiirka dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga Muxammad bin Salman, ayaa ifineysa xiisad u dhexeyn karta dowladaha carabta iyo Sacuudiga, maadaama ay horay usoo baxayeen warar sheegaya in Bin Salmaan uu ka danbeeyay qorshaha Israel lagu siinaayo Qudus.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Arrin cusub: Israel oo magaalada Tel Aviv uga yeertay amiirka dhaxal sugaha Sacuudiga, kadib go’aankii Shirka Istanbul appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this